Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub saldhiga booliska deegaanka Garjiir oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO:

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub saldhiga booliska deegaanka Garjiir oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO:
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saldhiga  deegaanka Garijir oo ka mid ah Saldhigyada ugu muhiimsan ciidamada Federaalka ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan qaybna ka ah Degmada Matabaan ayaa haatan isbadal balaaran lagu sameeyay, waxaana la kordhiyay tirada ciidanka Booliiska ee ka howlgala, iyadoo loo magacaabay saraakiil cusub oo badala kuwii horay u shaqeynayay .

Taliyihii hore ee Saldhiga Garijir Labo Xidigle Maxamed Maxamuud Seeraar ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay Taliyaha cusub ee Dhowaan loo magacaabay Saldhigan Labo Xidigle Cabdullaahi Aadan Cumar  waxaana munaasabadan goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed , Saraakiil ka tirsan NISA iyo maamulka Deegaanka

Related posts

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

November 5, 2025
Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

November 5, 2025

Labada sarkaal ee xilalka kukala wareegay ayaa kula wada dardaarmay ciidamada sii wadista waajibka saaran iyo in ay sii laba jibaaraan shaqada, maadaama ay ka howlgalayaan deegaan muhiim u ah isku socodka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya .

Guddoomiyaha Garijir Cabdinuur Macalin Axmed ayaa u sheegay Taliska cusub in ay kala shaqeynayaan howlaha amniga  ee horay u socday

Gaashaanle Galad Maxamuud Qayliye oo ka tirsan saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed iyo dhamme Cabdifitaax Maxamed Jaamac Fooneeye Taliyaha Saldhiga booliiska Matabaan ayaa ugu dambeyn dar daaran u jeediyay ciidamada iyo saraakiisha halkaas ka howlgala .

Garijir ayaa xuduud beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya u jirta in ku dhow 40km, waxaana mara gaadiidka ganacsi ee isaga gudba labada dal xili dhamaan ciidamada ku sugan xuduudaha lafaray in ay muujiyaan foojignaan lagu ilaalinayo faafida cudurka COVID19 .

 

Nuur Cadde

Previous Post

Beeraleyda Jowhar oo wal-wal ka qaba suuq la’aan inuu ku dhaco wax soo saarkooda “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in la helay 9 kiis oo cusub oo la xiriirta COVID-19

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo warbixin ka soo saartay baaritaan xaqiijineedka ee cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in la helay 9 kiis oo cusub oo la xiriirta COVID-19

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

November 5, 2025
0

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

November 5, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in muddadii u dhaxeysay 2022 illaa 2025...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

November 5, 2025
0

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin muujinaysa guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka...

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In