Tuesday, August 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Imaaraatka iyo WHO oo Soomaaliya ugu deeqay Qalab caafimaad oo lagula tacaalo Corona virus

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 14, 2020
in Wararka
0
Dowladda Imaaraatka iyo WHO oo Soomaaliya ugu deeqay Qalab caafimaad oo lagula tacaalo Corona virus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlada Imaaraatka Carabta, oo kaashaneysa hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee (WHO), ayaa waxay Somaaliya u soo dirtay diyaarad gargaar oo sidda 27 tan oo ah Agab caafimaad oo lagula tacaalo cudurka Corona Virus.

Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS.

Related posts

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

August 4, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

August 4, 2025

Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.

Safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Al-Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed xilligaan adag si loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo COVID-19.

Safiirku wuxuu intaas ku daray in Dowlada Imaaraadku, iyadoo la kaashaneysa hey’adaha caalfimaadka Dunida ee WHO, ay ka caawisay Dadl badan, iyada oo kaalmo deg deg ah gaarsiisay dalalkaas sidii ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo COVID-19.

Deeqdaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Dowladda iyo shacabka Soomaliyeed ay u baahan yihiin in lagu garab istaago la tacaalidda cudurka Corona virus iyo xakameynta faafitaankiisa intaba.

Tags: Dowladda Imaaraatka iyo WHO oo Somaliya ugu deeqay Qalab caafimaad oo lagula tacaalo Corona virus
Previous Post

Daawo Sawirro: Doorka Dhalinyarada ee bilic soo celinta Caasimada

Next Post

Xuduuda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya oo si aad ah loo adkeeyay Cudurka Covid-19 awgiis

Next Post
Xuduuda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya oo si aad ah loo adkeeyay Cudurka Covid-19 awgiis

Xuduuda Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya oo si aad ah loo adkeeyay Cudurka Covid-19 awgiis

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

August 4, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

August 4, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta guddoomay nuqullo ka mid ah warqadaha aqoonsiga...

Guulaha dowladdu ay  ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Somalia’s Financial War Against Al-Shabaab: Key Achievements and Strategic Milestones (2022–2025)

August 4, 2025
0

Somalia has long confronted the persistent threat of Al-Shabaab, a militant group that emerged from the remnants of the Islamic...

Guulaha dowladdu ay  ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Guulaha dowladdu ay ka gaartay la dagaallanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

August 4, 2025
0

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo ka imaanaysa Al-Shabaab – koox xag-jir ah oo soo if-baxday horaantii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In