Sunday, August 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Go’aamiyay in Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir La Siiyo Lacago Ay Uga Hortagaan Covid-19

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Go’aamiyay in Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir La Siiyo Lacago Ay Uga Hortagaan Covid-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xalay guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

August 16, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka cudurkaan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo canshuur dhaaf u sameysay ganacsatada

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bogaadisay dowrka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay Ka qaadanayaan xakameynta COVID-19

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bogaadisay dowrka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay Ka qaadanayaan xakameynta COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bogaadisay dowrka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay Ka qaadanayaan xakameynta COVID-19

Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka...

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xuska “50 Guurada” ka soo wareegtay markii...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Dhuusamareeb

August 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Itoobiya.

August 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, JFS Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In