Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Madaxweyne Geelle iyo Amiir Tamiim

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Madaxweyne Geelle iyo Amiir Tamiim
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

 

Previous Post

Government develops Education Sector COVID-19 Preparedness and Response Plan

Next Post

Deg Deg: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ku dhawaaqay Golaha Wasiiradda DGGM.

Next Post
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Deg Deg: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ku dhawaaqay Golaha Wasiiradda DGGM.

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025
0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In