Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isla-xisaabtanku waa muraayad laga daawado horumarka (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay war been abuur ah oo NISA ay ka qoreen wargeysya ka soo baxa Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nidaam  kasta oo dowladnimo waxaa dhab ah in uusan ka maarmin jaangoyn siyaasadeed oo ku aadan  islaxisaabtan,kaas  oo keeenaya in si nidaam ah loo maamulo,habka shaqada iyo shaqaalaha, dhaqaaalaha dalka iyo la socodka goobaha laga fuliyo adeegyada bulshada,iyadoo mar kasta laga fogaanayo ficilada muujinaya musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.

Haddaba,isla xisaabtanku waa barnaamij muhiim ah iyo dadaal ballaaran oo ku yimid codsiga tooska ah ee Madaxda dalka, ka dib markii la dersay baahiyaha gaarka ah ee loo qabo in shacabku ay ogaadaan waxyaabaha ama adeegyada ay dowladooda u haysto unadda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Isla xisaabtanku waa muraayad laga daawado horumarka dowladnimo,waana barnaamij ay dhaqangalintiisa si ficil ah u hoggaaminayaan golaha xukuuuumadda,kan shacabka iyo garsoorka,iyadoo,ujeedada fog ee laga leeyahay ay tahay in la abuuro jawi wadashaqeyneed oo dhexmara shacabka iyo dowladda.

Waxaa xaqiiqo ah in la hirgaliyay dadaaladii dowladda ee ahaa in shacbiga Soomaaliyeed loo ilaaliyo ammaanadii wax ku oolka aheyd ee ee loo haayey, waxaana arimahaasi suuurtagaliyay

dowladdu ku shaqeysay isla xisaabtan dhab ah iyo maamul adag oo fogeeyay musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta.

Nasiib wanaag waxaa  muuqata in dowladdu  ay heshay Kalsoonida bulshada,kadib markii si dhab ah loo gudagalay wada shaqeyn xoogan oo u dhaxeysa maamulka Maaliyayadda ,kan Bangiga iyo madaxda kale ,si ay meesha uga baxdo in  gacan kaliya ay maamusho hantida umadda.

Nidaamka dowladda ee isla xisaabtanka  waa tallaabo ay dowladdu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda,waana barnaamij kamid ah tiirarka asaaska u ah  dimuqraaddiyadda, hormarka dhaqaaalaha iyo Dowlad xilkas ah oo suurtagalisa in dhammaan, shaqaalaha, ururada bulshada rayidka, ganacsatada  iyo dadweynaha kale ay si fudud u helaan xogaha  dawladda

Dowladdu ,waxa ay ka shaqayneysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qeyb ka yahay isaga oo aaminsan inuu  isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga, lana cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga.

Waa wax lagu faano in dowladda Soomaaliya ay la timid barnaamijka isla xisaabtan ah oo aan weli ka hirgalin dalal naga horeeya xagga nabadgelyada iyo horumarka,sidaa daraadeed,waxaa hubaal ah in haddii nidaamkaan loo dhaqan geliyo sida ugu haboon,iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah ay faa’iiido weyn ugu jirto  dadweynaha  iyo dawladdaba.

Dadaalka dowladda ee dhinaca isla xisaabtanka  ayaa ah mid daba socda  dib u howlgalinta shabakadda hindisaha dahfurnaanta ,kaas oo lagu soo bandhigaayo xogaha shaqo iyo waxqabadka wasaradaha dowladda

Inkasta oo madaxda dowladda Feeraalka ay qeyb ahaan ku guuleysteen habsami u fulinta barnaamijyada ku saabsan isla xisaabtanka, haddana,waxaa looga fadhiyaa in ay dardargeliyaan adeegyo kasta oo lagama maarmaan u ah bulshada,isla markaana la xoojiyo kalsoonida.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Alle ha u naxariistee Eng Baana Cali oo london ugu geeriyooday cudurka Covid19.

Next Post

Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Next Post
Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Shacabka magalada Baladweeyne oo ka walwalsan biyo farabadan oo ku soo wajahan

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In