Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadin kasta waxaa saaran waajib ah inuu ilaaliyo hantida guud ee lawada leeyahay sida uu u ilaaiyo hantidiisa gaarka ah oo kale.

Goobaha waxbarashada guud, garoomada ciyaaraha, waddooyinka, jardiimooyinka, goobaha taariikhiga ah iyo wixii la mid ah waxay ka dhaxeeyaan dadka, waana hantida dadka maanta nool iyo dhaxalka jiilka soo socda sidaa darteed ma jiro qof kharribi kara ama wax u dhimi kara.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Muddadii aan dowlad la’aanta ku jirnay wax badan ayaan waynay, waxaana hoos u dhacay hankii qofka Soomaaliga ah. Waxaa is bedelay qaarka mid ah ujeedooyinkii waawaynaa ee aan ku mideysnaan jirnay sidoo kalena waxaa hoos u dhac ku yimid wacyiga bulshada ay ka haystaan dowladnimada.

Hoos u dhacaas dhanka wacyiga ah wuxuu keenay in dadka qaar kala garan waayaan dhibta iyo dheefta ama kala saari waayaan wixii dan ugu jirto ama shar uga imaan karto.

Dalkeena hadda wuxuuu marayaa xaalad dib u dhis ah, waxaan kasoo kabanaynaa dhibaatooyin badan oo na soo gaaray sidaa darteed waxaa lagama maarmaaan ah in bulshada gaar ahaan dhallinyarada aan nasiib u yeelan inay dowlad ku soo koraan la baro waxa loo yaqaano hantida guud iyo micnaha dowladnimada oo sax ah.

Barasho kasta waxay ka billaabata guriga ee waalidiinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waana inay carruurtooda ku barbaariyaan si fiicanna qalbigooda ugu beeraan jacaylka dalkooda iyo sida looga shaqeeyo danta guud si beri ay u soo baxaan jiil  garanaaya waxa ay wada leeyihiin iyo sida loo ilaashado.

Goobaha waxbarashada sida school-da iyo jaamcadaha waa meelaha lagu koriyo maskaxda ardayda lagana soo saaro hoggaamiyaasha dalalka iyo jiil wax ku soo kordhin kara adduunka, iyada oo kaalintaas ahmiyadda leh awgeed la eegaayo waxaa saaran macallimiinta iyo maamulka  gobaha wax barashada inay cilmiga ay dhigayaan ku salleeyaan xaaladda aan ku jirno, dadaal dheerna geliyaan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga guud ee dhallinyarada.

Waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in dowladdu xoog badan geliso sidii dhallinyarada aan nasiib u yeelan maamul wanaag iyo dowlad dhisan loo bari lahaa ahmiyadda dowladnimo, laba jibbaarna lagu sameeyo wacyi gelinta guud iyo barnaamijyo ka qayb qaata sidii dhallinyaradu u heli lehayd fahan fiican oo dhanka dowladnimada la xiriira.

Qofku markuu yaqaano waajibaadka saaraan iyo xuquuqda uu leeyahay waxaa yaraaneysa inuu sameeyo fowdo ama ka qayb qaato kharribaad wax u dhimi karta hannaanka dowladnimo.

Haddii ay dhacdo in khalad laguugu sameeyo ama xuquuq aad lahayd laga weeciyo waxaa kuu furan inaad marto waddooyin loo sameeyay in lagu xalliyo wixii khaldan laakin haddii aad khaladkii lagaa galay khalad kale kusii saxdo waxaa si badanaya dhibaatada, waxaana ka faa’iideysanaaya kuwa jecel fowdada.

Tusaalaha ahaan dadku xaq ayay u leeyihiin inay sameeyaan mudaaharaad ay ku dalbanayaan xuquuqdooda ama ku diidayaan dulmi lagu sameeyay, laakin xaq uma lahan inay ku xad gudbaan hantida guud ama hantida gaar loo leeyahy.

Caalamka oo dhan waa laga sameeyaa bannaanbax, waxayna isku soo baxyadu ka mid noqdeen dariiqooyinka kala duwan ee nidaamka jira lagu gaarsiiyo farriin iyo inaan raali laga ahayn sida ay wax u socdaan laakin bannaanbaxaas waxaa lagama maarman ah inuusan wax ku sii dheelin ee ujeedkisu noqdo sixitaan iyo xaq doon.

Bannaanbaxyada wata rabshado inta badan waxaa ka dhasha khasaaro kala duwan halka kuwa nabadeed lagu gaaro ujeedooyinkii laga lahaa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta saaran mas’uuliyad wayn oo ah in laga wada shaqeeyo sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar iyo wanaag iyagoo wax ka baranaaya dhibaatooyinkii lasoo dhaafay sidoo kalena ilaashanaya hannaanka dowladnimo.

Waxaa iyaduna xusid mudan sida aan ciwaanka ka dhigayba in ilaalinta  hantida guud ay tahay mas’uuliyad wadareed loona baahan yahay in xil la iska wada saaro.

W.Q. Axmed Maxamed Axmed

Tags: Ilaalinta Hantida Guud Waa Mas’uuliyad Wadareed
Previous Post

Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Hawlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta Xilkiisa la wareegay +Daawo Sawirro

Next Post

Madaxweyne Deni oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga wada qeyb-qaato gurmad Qardho+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Deni oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga wada qeyb-qaato gurmad Qardho+Sawirro

Madaxweyne Deni oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga wada qeyb-qaato gurmad Qardho+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In