Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Qaran ee COVID-19 Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye ayaa qalabka looga hortago Coronavirus ku wareejiyay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo guddoomay qalabkaan oo isugu jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan loo gaashaanto Coronavirus.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee COVID-19 ayaa sheegay qalabkaan in loogu talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay uga hortagaan cudurka in la qaadsiiyo ama ay dad qaadsiiyaan.