Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 29-aad oo ah wareegga afar dhamaadka kulankiisa ugu dambeeyay ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Buurhakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

January 17, 2026

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Buurhakaba

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Warta Nabada, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buurhakaba waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa u soo gudubtay wareegga kama damebysta ah ee tartanka, waxaana ay is arki doonaan dhigooda Dharkeynley oo kal hore tiigsatay finalka tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 30-aad ee tartanka, waxaa kaalinta saddexaad ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Benaadir.

 

Sawir Qaade;- Cabdullaahi Calas Yackoo

Previous Post

Dowladda Oo Ka Hadashay Go’aanka ICJ Ee Dib u Dhigista Dhageysiga Dacwadda Badda Soomaaliyeed Ee Kenya Muranka Gelisay

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

SAWIRRO:CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Munaasabad ballaaran oo si heer qaran ah loo soo agaasimay kana qayb galayaan madaxda ugu sarreysa ee dalka,ayaa maanta...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In