Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Ka Hadashay Go’aanka ICJ Ee Dib u Dhigista Dhageysiga Dacwadda Badda Soomaaliyeed Ee Kenya Muranka Gelisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 19, 2020
in Wararka
0
Dowladda Oo Ka Hadashay Go’aanka ICJ Ee Dib u Dhigista Dhageysiga Dacwadda Badda Soomaaliyeed Ee Kenya Muranka Gelisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa caawa ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer.

Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah (ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxuu sheegay in maxkamddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen.

Previous Post

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka “Xaalufinta deegaanka iyo dhoofinta dhuxushu waa musiibo Qaran oo halis ku ah badqabka deegaanka, duunyada iyo dalkeenna”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba oo caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah (Final) ee tartanka “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In