Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xarunta Maamulka magaalada Marko oo la dhagax dhiggay si dib loogu dhiso

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Xarunta Maamulka magaalada Marko oo la dhagax dhiggay si dib loogu dhiso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka koofur galbeed Soomaaliya  Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ,waxaana isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada Marko.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa warbixin ka dhageystay maamulka gobolka xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada,sida dhinacyada Amniga, Caafimaadka iyo waxbarshada.

Related posts

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Marko laga dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeyn doono Maamulka gobolka shabeella Hoose taasi oo in muddo ah laga soo shaqeynayay in heerkaan dhagax dhigga ay soo gaarto, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa Senotar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare lagana soo doortay gobolka shabeella hoose.

Xaruntaan waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Cali Maxamed Waafoow, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax , Senotar Xuseen Cali Xaaji iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

Dhismaha xaruntaan uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka shabeellaha hoos ee magaalada marko ayaa noqoneyso mid loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegyada bulshada.

Previous Post

Guddiga diyaarinta xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi

Next Post

Hoos u dhac ku yimid tirada kiisaska Covid-19 ee Gobolka Banaadir

Next Post
Hoos u dhac ku yimid tirada kiisaska Covid-19 ee Gobolka Banaadir

Hoos u dhac ku yimid tirada kiisaska Covid-19 ee Gobolka Banaadir

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In