Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuc lagu maal-galinayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe oo heshiis laga gaaray 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Mashruuc lagu maal-galinayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe oo heshiis laga gaaray 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

GARGAARA Company Limited oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya (Wasaaradda Maaliyadda), iyo Baanka Adduunka  ayaa maanta heshiis maal-gelineed la saxiixday Bankiyadda Ganacsiga qaarkood.

Heshiiskaas waxaa lagu maal-gelinayaa ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe, gaar ahaan dumarka iyo dhallinyaradda aanan fursad maal-galineed horey u helin si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka waqtigaan xasaasiga ah ee COVID-19.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Maal-galintaan oo ah wajigeedii koowad ayaa gaarayso 20 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo ka qayb qaadan doonta horumarinta iyo koboca dhaqaalaha oo horumuud u yahay Ganacsiga. Maal-gelintaan, waxaa ka faa’iideysan doona ganacsatada heerar kooda kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana fulinaya Bankiyada Ganacsiga ee buuxiyay shuruudihii iskaashiga iyo hanaanka hufan (Due Diligence) ee GARGAARA ugu tala gashay maal-galintaan.

Bankiyadda IBS Bank, Amal Bank, iyo Premier Bank ayaa heshiiskan la saxiixday  GARGAARA Company Limited  oo maal-gelintaan wakiil uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baanka Adduunka. Heshiiskan oo lagu fulinayo ilaa  saddexda sano ee soo socoto ayaa waxa uu xoogga saarayaa soo nooleynta ilaha dhaqaalaha muhiimka u ah dalka sida Beeraha, Kulluumeysiga, Xoolaha, iyo Tamarta. Waxaa kaloo maal-gelin lagu sameyn doonaa meelaha Caabuqa CORONA ay wax yeeleysay.

Dr. Cabdirisaaq Xasan oo ah Madaxa GARGAARA oo sharxay dhaqaalaha ku baxayo Mahsruucan, muhiimadiisa iyo faa’iidada uu u leeyahay ummaddeena ayaa sheegay inay ka faa’iideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Dowladda Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ugu mahadceliyay taageerida maal-gelintaan.

Agaasimaha Fulinta  Bankiga IBS Cabdullaahi Maalin Axmed (Saalax)  iyo Maxamed Geeddi Jimcaale Agaasimaha Maalgalinta Premier Bank ayaa sheegay in ay ku fulin doonan muddada ay u qorsheysay dowladda maal-gelintaan.

Talaabadan ayaa ah mid dhinacyo badan ay uga faa’iideysan doonaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaqaalaha dalkeena ahmiyad weyn ugu fadhiso, iyadoo fursaddan ay tahay mid ay u siman yihiin shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay dalka ka joogaan, ayna u gaarto si siman Maal-galintan.

 

Previous Post

Guddiga-wadajika KMG ah ee sameynta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooytinka Qaranka oo soo gaba-gabeeyay shaqadii loo diray “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Laga Diiwaan Geliyay Puntiland, Gobalka Banaadir, Somaliland Iyo Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In