Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruuc lagu maal-galinayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe oo heshiis laga gaaray 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 31, 2020
in Wararka
0
Mashruuc lagu maal-galinayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe oo heshiis laga gaaray 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

GARGAARA Company Limited oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya (Wasaaradda Maaliyadda), iyo Baanka Adduunka  ayaa maanta heshiis maal-gelineed la saxiixday Bankiyadda Ganacsiga qaarkood.

Heshiiskaas waxaa lagu maal-gelinayaa ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe, gaar ahaan dumarka iyo dhallinyaradda aanan fursad maal-galineed horey u helin si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka waqtigaan xasaasiga ah ee COVID-19.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Maal-galintaan oo ah wajigeedii koowad ayaa gaarayso 20 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo ka qayb qaadan doonta horumarinta iyo koboca dhaqaalaha oo horumuud u yahay Ganacsiga. Maal-gelintaan, waxaa ka faa’iideysan doona ganacsatada heerar kooda kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana fulinaya Bankiyada Ganacsiga ee buuxiyay shuruudihii iskaashiga iyo hanaanka hufan (Due Diligence) ee GARGAARA ugu tala gashay maal-galintaan.

Bankiyadda IBS Bank, Amal Bank, iyo Premier Bank ayaa heshiiskan la saxiixday  GARGAARA Company Limited  oo maal-gelintaan wakiil uga ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baanka Adduunka. Heshiiskan oo lagu fulinayo ilaa  saddexda sano ee soo socoto ayaa waxa uu xoogga saarayaa soo nooleynta ilaha dhaqaalaha muhiimka u ah dalka sida Beeraha, Kulluumeysiga, Xoolaha, iyo Tamarta. Waxaa kaloo maal-gelin lagu sameyn doonaa meelaha Caabuqa CORONA ay wax yeeleysay.

Dr. Cabdirisaaq Xasan oo ah Madaxa GARGAARA oo sharxay dhaqaalaha ku baxayo Mahsruucan, muhiimadiisa iyo faa’iidada uu u leeyahay ummaddeena ayaa sheegay inay ka faa’iideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Dowladda Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ugu mahadceliyay taageerida maal-gelintaan.

Agaasimaha Fulinta  Bankiga IBS Cabdullaahi Maalin Axmed (Saalax)  iyo Maxamed Geeddi Jimcaale Agaasimaha Maalgalinta Premier Bank ayaa sheegay in ay ku fulin doonan muddada ay u qorsheysay dowladda maal-gelintaan.

Talaabadan ayaa ah mid dhinacyo badan ay uga faa’iideysan doonaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaqaalaha dalkeena ahmiyad weyn ugu fadhiso, iyadoo fursaddan ay tahay mid ay u siman yihiin shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay dalka ka joogaan, ayna u gaarto si siman Maal-galintan.

 

Previous Post

Guddiga-wadajika KMG ah ee sameynta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooytinka Qaranka oo soo gaba-gabeeyay shaqadii loo diray “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Laga Diiwaan Geliyay Puntiland, Gobalka Banaadir, Somaliland Iyo Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In