Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Dalka Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Dalka Uganda u fudeysay in dib dalka loogu celiyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta dib looga celiyay magaalada Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada caalamka.

Muwaadiniyiinta oo tiradooda gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkan Uganda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ay gacan weyn ka geysatay Muwaadiniyiinta in dib loogu celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe kaddib markii Muwaadiniyiintan ay Safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib looga celiyo, iyadoo safaardda ka jawaabtay codsiga Muwaadiniyiintaas.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

August 2, 2026

Haddaba qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka caalamidga ah ee Entebbe oo ka hadlay dareenkooda ku aadan inay dalkii dib ugu laabtan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, ayna uga mahadcelinayaan Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan.

84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aysan halkan ka safrin. Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ayaa sido kale waddo dadaalo dib looga celinayo muwaadaniinta kale oo ku xaniban dalka Uganda.

Intaas kaddib Muwaadiniinta ayaa maanta gelinka dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka inta hartayna ay u gudbeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda Gobolka Nugaal iyo dowlad Goboleedka Puntiland.

Previous Post

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo ka shiray qorshaha dhameeystirka dastuurka

Next Post

Diyaaraddii afaraad oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin ku xanibnaa dalka Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Diyaaraddii afaraad oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin ku xanibnaa dalka Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Diyaaraddii afaraad oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin ku xanibnaa dalka Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Aljeeriya

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay Shirka Dardargelinta Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Gancsiga

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo...

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn uga qayb gashay aaska hobolkii weynaa ee Axmed Cali Cigaal

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn uga qayb galay aaska loo sameeyay...

Bayaan kasoo baxay Ilaalinta Qoondada Haweenka ee Doorashada Galmudug

Bayaan kasoo baxay Ilaalinta Qoondada Haweenka ee Doorashada Galmudug

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu baaqday dhammaan ururada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In