Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Warbaahinta Puntland oo agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 ka qeybiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ururka Warbaahinta Puntland oo agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 ka qeybiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo ka duulaya ilaalinta badqabka suxufiyiinta ka howlgasha xarumaha Warbaahinta ee deegaannada Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ka qaybiyay agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 iyo sidii qaybaha Warbaahintu ay isaga ilaalin lahayd safmaranka Dunida saamaynta wayn ku yeeshay.

Suxufiyiinta ayaa ah qaybaha bulshada ee nugul cudurkan maadaama ay si dhow ugu dhex jiraan qaybaha bulshada kuwaasi oo ku howlan soo gudbinta xogaha dalkeena ka jira.

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

Waxaa xusid mudan in deegaannada Puntland dhawaantan cudurka laga helay saxafigi ugu horeeyay ee uu cudurkani haleelo, taasi oo keentay in dadaal loo galo sidii loo heli lahaa badqabka suxufiyiinta.

Xarunta dhexe ee Warbaahinta Codka Nabadda Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha la soo gaarsiiyay agabka looga gaashaanto xanunka safmarka ah ee COVID-19.

Cabdiqani Xayir oo ka tirsan Guddiga sare ee ururka ayaa soo gaarsiiyay qalabkan xarumaha Warbaahinta Gobolka Mudug, iyadoo baahi weyn loo qabay isticmaalka waqtiga shaqada si loo ilaaliyo caafimaadka suxufiyiinta.

Mid ka mid ah howlwadeennada Warbaahnta Cdka Nabadda Gaalkacyo ayaa yiri “Mahadsanidiin dhamaan madaxda ururka Warbaahinta Puntiland Caynsane Maxamed iyo Naciima Bintu Musa Dallaf sida mas’uuliyadda leh ad uga fikiraysaan suxufiyiinta ku shaqaysa marxaladda adag ee dalka ka jirta”.

Previous Post

Diyaaraddii afaraad oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin ku xanibnaa dalka Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In