Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO AQALKA SARE”SAWIRRO”

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO AQALKA SARE”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaanay Guddoonka iyo Xubnaha Baarlamaanka ee Labada Aqal wada shaqaynta wanaagsan ee ay muujiyeen sanadihii la soo dhaafay, taas oo horseedday in laga miro dhaliyo dadaallada dowlad dhiska iyo dib u soo celinta himilada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul-istaagay shaqadii dhanka sharci dejinta iyo korjoogteynta howlgudashada Xukuumadda ee ay la yimaadeen Mudaneyaasha Baarlamanka ayaa ka rajeeyey in ay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kaga aaddan dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, gaar ahaan qabsoomidda doorasho hufan oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026

“Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo.”

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay qabashada doorasho ku qabsoonta xilligii loo asteeyay oo fursad u siinaysa shacabak Soomaaliyeed in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.

“Maanta waxaan labada aqal ujeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qaddarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay, fadlan, igu raaca in aqalka sare ay caasimada Muqdisho ku yeelato matalaadda ay mudantahay, ayna muraayad ugu wada noqoto dhamaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay gutaan masuuliyadda wadaniyeed ee ka saran go’aaminta masiirka dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo xeyndaabka dowladnimada iyo Dastuurka dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, oo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wadahadalladii, wax kasta oo jirana ku dhammeyno walaalnimo, wadahadal iyo is af-garad.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.

Previous Post

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan(Sawirro)

Next Post

Dhammaan Maamul Goboleedyada dalka oo maanta laga diiwaan geliyay Kiisas cusub oo Covid-19 ah

Next Post
Dhammaan Maamul Goboleedyada dalka oo maanta laga diiwaan geliyay Kiisas cusub oo Covid-19 ah

Dhammaan Maamul Goboleedyada dalka oo maanta laga diiwaan geliyay Kiisas cusub oo Covid-19 ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In