Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan(Sawirro)

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto  Odawaa Yuusuf Raage oo mudo bil ku dhow kormeer shaqo ku marayay Xarumaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad ayaa soo gaaray Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ku yaalo Taliska Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad

Abaanduulaha Qaybta 27-aad General Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay  ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku suganyihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga .

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Saraakiil saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku yimaado halkan .

Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan da’daalka laga sugayo in ay u galaan Xoreenta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo .

Taliyaha xoogga ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqti Xoogga dalku isbadal balaaran ka sameeyay dhanka soo kabashada Awooda Hugaanada kala duwan sarena loo qaadey fursadaha askari walbaa ku heli karo Xuquuqaaadkiisa oo mushaarku ugu horeeyo si ka sareysa sanadihii hore .

General odawaa Taliyaha Xoogga ayaa si gaa ah u dhageystay duruufaha u gaarka ah Ciidamada Guutada 5-aad isagoo balan qaadey in taliska Xooggu ka jawaabayo baahiyaha loo soo gudbiyay iyadoo masuuliyad kastaba cidii loo dhiibay lagula xisaabtamayo .

In ka badan labaatan cishe oo taliyuhu kormeerkiisan ku howlanaa ayuu ku booqdey Xarumaha Ciidanka Xoogga Sida  Taliska Guud ee Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , Taliska Guutada 13-aad ee Cadaado , Dugsiyada Tababarada ee Harqaboobe iyo Uruuris ee Qaybta 21-aad , iyo Fadhiyo kale oo ciidamadu ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Caabudwaaaq.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Next Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO AQALKA SARE”SAWIRRO”

Next Post
MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO AQALKA SARE”SAWIRRO”

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY KALFADHIGA 7-AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO AQALKA SARE"SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In