Wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Galkacyo ayaana ka warbixiyay guulihii laga gaaray howlgaladii u danbeeyay ee la dagaalanka argagixisada isagoo sheegay in ay maleeshiyada Alshabaab ka xureyn doonaan deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Galmudug.
Wasiirka ayaa Ciidanka Ammaanka ku amaanay sida ay u baacsanaayaanย nabad diidkaย ย Al-shabaab , waxaana uu xusay in ciidanka Amniga ay u diyaarsanyihiin difaacidda shacabka Soomaaliyeed.
Shalay ayey ahyd markii ay ciidamada Danbe oo howgalo ka sameeyey koofurta Magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda argagixisada ee Al-shabaab.