Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa waxaa isku soo dhiibay maleeshiyaad ka tirsanaa argagaxisada Al-shabaab.
Dhalinyaradaan oo tiro ahaan gaareysa 11 ruux ayaa waxey maleeshiyada u qaabilsanaayeen daadinta dhiigga shacabka iyo been ka sheegida diinta Islaamka.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Xabdi Xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhallinyaradaan oo 11 ruux ah ay isku soo dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan furunta hore ee dagaal, isagoo sheegay in sidoo kale ciidamadu ay argagixisada kasoo furteen 2 wiil oo aad u da’yar kuwaas oo ay kasoo qafaasheen goobolka Bakool si ay ugu adeegsadaan dagaalada ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Taliyaha ayaa dhallinyarada kale ee ay argagixisadu qaldeen ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidamada qalabka sida, si aysan qeyb uga noqon daadinta dhiigga Muslimiinta.