Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soddon sano ka dib Dowladda Soomaaliya oo bixineyso leesinka Diyaaradaha

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Soddon sano ka dib Dowladda Soomaaliya oo bixineyso leesinka Diyaaradaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) ayaa sheegay inla dhameytiray sharciga hay’adda duulista rayidka  isla markaan kaliya  uu ka harsanyahay xeer hoosaadyo uu leeyahay dhawaana la soo gabagabey doono taasi oo ka dhalan doonto in dowladda Soomaaliyeed ay awood uyeelato diwaan galinta diyaaradaha ka howl-gal dalkeyna iyo bixinta ruqsadaha wadiida diyaaradaha oo ay Soomaaliya bixin muddo sodon sano ku dhaw.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dhawaan ,madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya uu bixin doono leesinkii ugu horeeyay ee la siinayo bayloodyada diyaaradaha oo ay dowladda Soomaaliya bixin muddo ka badana 25 sano taasine ay ka dhalain doona hormarkale oo ay dadka Soomaaliyeed ku talaabsan doonaan.

Related posts

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026

“Laga bilaabo bilaha soo socda waxaan bilaabi doonaa in bixino adeegyada ay u baahanyihiin diyaaradaha sida leesinka iyo diwaan galinta diyaaradaha ay keensadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo hore ugeyn jirin dalalka Kenyada iyo itoobiya balse hada ka dib ma dhaceyso waana ku guuleysanayay inaan dhameystirka sharcigi lagu dhaqi lahaa”ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka Oomaar.

Sidoo kale wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salad (Oomaar) waxa uu sheegay in hada ay fududahay in lasoo celiyo diyaaradii Soomaali Airlen ka dib heli taankii ay dowladda Soomaaliyeed ay diwaan galin karto diyaaradaha isla markaana sharuudaha ugu badan ee soo celinteeda ay aheyd sharcigaan waxaana uu intaa ku daray inay yihiin laba qodob oo isku xeran.

“Sameynta sharciga lagu diwaan galinayo iyo soo celinta diyaaradii Soomaali airlen waxaa laba aan kala harin ,hadane waa inoo fududahay in dib usoo celinayay maadaama aan gaarnay isku filnaasho “Wasiirka Oomaar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaaji ayaa saxiixay 21 bishaan saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka kaasi oo dhameystirayo awooda iyo sharuucda ay kula falgaleyso dhigeeda hay’addaha kale ee Caalamka .

Tags: Sodan sano ka dib Dowladda Soomaaliya oo bixineyso leesinka Diyaaradaha
Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanka Bacaadweyn+sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ciidamada ay toogteen dhagar qabe isku qarxin rabay xirada Turkey Som.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ciidamada ay toogteen dhagar qabe isku qarxin rabay xirada Turkey Som.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in ciidamada ay toogteen dhagar qabe isku qarxin rabay xirada Turkey Som.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In