Kulankaan oo ahaa mid loogu ducaynayay Allaha u naxariiste Agaasimahii Wakaaladda Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamow oo ay ka qaybgaleen mas’uulyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, dhallinyaro, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo ehelada marxuumka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho .
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay doorkii uu kulahaa horumarinta Warbaahinta iyo shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu ka qabtay Dalka, iyadoo dadka aqoonta u lahaa marxuumka ay ka sheekeeyeen sooyaalkiisa taariikh noleedkiisa iyo daacadahii uu ku sifoobay marxuumka Axmed Faarax Cali intii iyagoo Alla uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo.
Faarax Salaad Dharaar Agaasimaha Talefishinka Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tabi doonta shaqadii wanaagsanayd ee marxuum Axmed Faarax uu u qabtay dalka, isagoo uga mahadceliyay dhallinyarada iyo dadkii soo abaabulay kulanka, una rajeeyay inuu Alle u naxriisto Marxuumka.
Axmed Faarax ayaa mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay gudaha dalka, Waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare waxa uu ku soo qaatay iskuulka Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ee magaalada Muqdisho waxaana uu ka baxay Jaamacadda Muqdisho oo uu ka bartay culuumta saxaafadda .
Marxuumka ayaa waxaa ahaa saxafi sare oo xirfadla ah, isla markaana sumcad weyn kaga tagay bahda Warbaahinta Dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyay Idaacadaha Shabeelle, Codka Nabadda oo uu Agaasimaha ka soo noqday iyo Idaacadda Star FM ee magaalada Muqdisho .
Marxuum Axmae Faarax Gaatamow ayaa ugu dambey ku soo biiray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu ka noqday Agaasimaha Wakalaadda Wararka Soomaaliyeed SONNA iyo Agaasimaha Radio Muqdisho, waxaana ka hor inta uusan geeriyoonin ahaa Agaasimaha Wakaaladda Madbacadda Qaranka. .