Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu duceynayay Agaasimihii Macbadda Qaranka Marxuum Gaatamow oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu duceynayay Agaasimihii Macbadda Qaranka Marxuum Gaatamow oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid loogu ducaynayay Allaha u naxariiste Agaasimahii Wakaaladda Madbacadda Qaranka    Axmed Faarax Gaatamow oo ay ka qaybgaleen mas’uulyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya, dhallinyaro, culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo  ehelada  marxuumka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho .

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay doorkii uu kulahaa horumarinta Warbaahinta iyo shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu ka qabtay Dalka, iyadoo dadka aqoonta u lahaa marxuumka ay ka sheekeeyeen sooyaalkiisa  taariikh noleedkiisa iyo daacadahii uu ku sifoobay marxuumka Axmed Faarax Cali intii iyagoo Alla uga baryay inuu  naxariistii janno ka waraabiyo kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Faarax Salaad Dharaar Agaasimaha Talefishinka Qaranka ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tabi doonta   shaqadii wanaagsanayd ee marxuum Axmed Faarax uu u qabtay  dalka, isagoo  uga mahadceliyay dhallinyarada iyo dadkii soo abaabulay kulanka, una rajeeyay inuu Alle  u naxriisto Marxuumka.

Axmed Faarax ayaa mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ku bartay gudaha  dalka, Waxbarashada Dugsiga Hoose  Dhexe iyo Sare waxa uu ku soo qaatay iskuulka Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ee magaalada Muqdisho  waxaana uu ka baxay  Jaamacadda Muqdisho oo uu ka bartay  culuumta saxaafadda .

Marxuumka ayaa waxaa ahaa saxafi sare oo xirfadla ah, isla markaana sumcad weyn kaga tagay bahda  Warbaahinta  Dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyay  Idaacadaha  Shabeelle, Codka Nabadda  oo uu Agaasimaha ka soo noqday iyo Idaacadda Star FM  ee magaalada Muqdisho .

Marxuum Axmae Faarax Gaatamow ayaa ugu dambey ku soo biiray Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu ka noqday  Agaasimaha Wakalaadda Wararka Soomaaliyeed  SONNA  iyo Agaasimaha  Radio Muqdisho, waxaana ka hor  inta  uusan  geeriyoonin ahaa Agaasimaha  Wakaaladda Madbacadda  Qaranka.   .

Previous Post

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug oo ka shiray xoojinta Nabadgelyada Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Next Post

Jowhar oo laga xusay 60 guurada ka soo wareegtay xornimada dalka “SAWIRRO”

Next Post
Jowhar oo laga xusay 60 guurada ka soo wareegtay xornimada dalka “SAWIRRO”

Jowhar oo laga xusay 60 guurada ka soo wareegtay xornimada dalka “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In