War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa lagu shiiciyay ย 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir .
Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir .
Wasraadadda waxbarashada ayaa sidoo kale sheektay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad .
Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka .
Ugu dambeynti qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa arday lagu yiri waxaan idin rajeyneynaa guul iyo hormar dhammaan ardayda Soomaaliyeed.