Saturday, September 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xudur+SAWIRRO

admin by admin
July 1, 2020
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xudur+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xuska 60 sanno guurada xurnimada gobollada koofur iyo midnimada Gobolada Waqooyi & Koonfureed ee Dalkeena Soomaaliya oo si sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Munaasabadaan loogu feesteenayay 60 sanno guurada ka soo wareegatay Xuriyada iyo midowgii dalkeena ee 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay ururada Haweenka, Dhalinyarada, Malaaqyada, Saraakiisha Ciidamada, Bahda Fanaaniinta Maamulka Gobolka kan degmada iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada.

Related posts

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025

Aadan Cabdi Abaareey, gudoomiyaha gudiga qaban-qaabada xuska maalintan qiimaha badan oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dalkeennu uu maanta markale u baahan yahay in laga xureeyo cadowga Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta Boliiska gobolka Bakool Col Cabdullahi Qadaafi & Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gashaanle, Mukhtaar Geesey ayaa carrabka ku adkeeyay in markasta ay u taaganyihiin xuraynta dalka & ka sifaynta maleeshiyaadka nabad diidka ah ee banaystay dhiigga shacabka soomaaliyeed, iyagoo munaasabadaan ugu hambalyeeyay shacabka gobolka Bakool.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi iyo kan degmada Xudur Maxamed Macalin oo goobta ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool gobolka Bakool ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo waxeyna ugu baaqeen in laga shaqeeyo horumarka gobolka si bulshadu ay u hesho adeegyada muhiimka u ah.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

GUDDOOMIYAHA SoDMA OO DAAHFURAY DHISMAHA XARUNTA BAKHAARKA KAYDINTA GARGAARKA EE DG WAQOOYI BARI

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA CUSUB EE TALISKA SAHANKA IYO SIRDOONKA CXDS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka...

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee BJFS

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la yeeshay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

September 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa EUCAP Soomaaliya Kęstutis Lančinskas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In