Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xudur+SAWIRRO

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xudur+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda xuska 60 sanno guurada xurnimada gobollada koofur iyo midnimada Gobolada Waqooyi & Koonfureed ee Dalkeena Soomaaliya oo si sare loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Munaasabadaan loogu feesteenayay 60 sanno guurada ka soo wareegatay Xuriyada iyo midowgii dalkeena ee 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay ururada Haweenka, Dhalinyarada, Malaaqyada, Saraakiisha Ciidamada, Bahda Fanaaniinta Maamulka Gobolka kan degmada iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Aadan Cabdi Abaareey, gudoomiyaha gudiga qaban-qaabada xuska maalintan qiimaha badan oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dalkeennu uu maanta markale u baahan yahay in laga xureeyo cadowga Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta Boliiska gobolka Bakool Col Cabdullahi Qadaafi & Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gashaanle, Mukhtaar Geesey ayaa carrabka ku adkeeyay in markasta ay u taaganyihiin xuraynta dalka & ka sifaynta maleeshiyaadka nabad diidka ah ee banaystay dhiigga shacabka soomaaliyeed, iyagoo munaasabadaan ugu hambalyeeyay shacabka gobolka Bakool.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi iyo kan degmada Xudur Maxamed Macalin oo goobta ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool gobolka Bakool ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo waxeyna ugu baaqeen in laga shaqeeyo horumarka gobolka si bulshadu ay u hesho adeegyada muhiimka u ah.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo+SAWIRRO

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In