Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WAR GELIN: Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dib u Bilaabaysa bixinta Baasaboorka

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
WAR GELIN: Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Dib u Bilaabaysa bixinta Baasaboorka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:
Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%) Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm

Previous Post

Jubbaland oo daahfurtay imtixaanka mideysan ee fasalka 8-aad+SAWIRRO

Next Post

80-jir kamid ah ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad”SAWIRRO”

Next Post
80-jir kamid ah ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad”SAWIRRO”

80-jir kamid ah ardayda u fariisatay imtixaanka fasalka 8-aad"SAWIRRO"

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In