Majaajiliste caan ka ahaa dalka Kenya laguna magacaabi jirtay Charles Bukeko, kuna magac dheera Papa Shirandula ayaa maanta oo Sabti ah Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday isibtaal ku yaala magaalada Nairobi ee Dalkaasi.
Ehelkiisa ayaa xaqiijiyey geerida Jilaaga, waxa ayna ku tilmaameen mid qaracan ahayd.
Papa Shirandula waxa uu ahaa aabe 58 jir sano jir dhashay 1962-dii, waxa uuna lahaa hal xaas iyo 3-dex carruur ah, waxa uu jilaa iyo majaajiista muddo dheer ka ahaa TV-ga Citizen ee dalkaas, isagoo helay abaal marinta jilaaga uga wanaagsan dalkaas 2010-ka
Cudurka Corona Virus ayaa waxaa dalkaasi uu ku dhacay in ka badan 12,’000 ruux halka 222 ruux ay u dhinteen, waxaana aad u korortay bishan dadka uu ku dhacayo iyo kuwa u dhamanaya cudurka saf-marka ah ee COVID-19.