Allah ha u naxariistee maanta waxa ay ku beegantahay markii uu qaraxii ismiidaaminta ahaa uu ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad tobon ruux ee uu ka mid ahaa Maayarkii Gobolka Banaadir ahaane duqii Caasimada Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.
Sanad ayaa lag joogaa qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir waxaana dadkii ku dhintay ka mid ahaa Guddoomiyaashii allah ha naxariistee Degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Cabdullaahi,Shangaani Sahro Markeysi iyo guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi iyo agaasimyaal ka tirsanaa Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa magacaabay guddi diyaarinayo munaasabado lagu xusayo looguna duceynayo lagu qabto magaalada Muqdisho.
Maanta oo jimco ah ayaa waxaa muqdisho ka soconayo munaasabadahaasi maadaama ay ku beegantahay maanta waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan ururada bulshada rayidka iyo madaxa kale oo heer gobolka iyo heer dowladeed ah.
Weerarkii sanadka ka hor ka dhacay aqalka dowladda Hoose waxaa ku dhinta sedex Guddoomiye Degmo,labo lataliye sare ,hal agaasime guud ,sedex agaasime waxed waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan 12 ruux .
Afhayeenka Gobolka Banaadir Salaax Cumar oo ka mid ah guddiga diyaarinayo munaasabadaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay uduceeyaan marxuumiintii ku shahiiday Gobolka Banaadir waxaana sidoo kale uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliya looga baahanyahay inay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jiro argagixisada Al-shaab.