Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada waxaa u wanaagsan in ay la dagaalanto cunista Qaadka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Bulshada waxaa  u wanaagsan in ay la dagaalanto cunista Qaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cunista qaadku waxay leedahay dhibaatooyin dhaqaale,mid  qoys iyo Caafimaad darro, waxaana lagama maarmaan ah in bulshada ay dagaal u galaan sidii loo joojin lahaa adeegsiga maandooriyahaasi oo ay caadeysteen dad badan.

Xilliga duhurnimada magaalada Muqdisho waxaa si aad ah u kor ugu kaca saxmadda ama ciriiriga waddooyinka waxaana la arkaa gaadiid si xowli ah ku socda, gaadiidkaas oo wada qaadka oo xilligaas soo dhaca.

Related posts

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026

Sidoo kalena waxaa kordha sawaxanka, buuqa iyo qeylada goobaha qaadka lagu iibiyo Waxayna dadka qaar ku kaftamaan xilligaas oo kale “Waxaa yimid Madaxweynihii Dalka “ oo ay ula jeedaan qaadka.

Maxamed Cabdi waxaa uu ka mid yahay dadka ku nool Muqdisho wuxuuna isticmaalaa , magaca aan ugu yeernay ma aha magaciisa rasmiga iyadoo taas loo sameeyey isagoo laf ahaantiisa ka xishoonaya in magac warbixintan loogu xuso in uu qaad cuno.

Maxamed wuxuu qabaa in qaadku uu yahay balwad oo aanu wanaagsaneyn “ Waxaan qabaa in si balwad ah aan ku bartay oo aanay jirin faa’ido aan arki karo oo aan ka helay”

Waa kuwee noocyada qaadka ee lagu iibiyo Muqdisho, mase jiraan qiime go’an oo la siiyo marduufka qaadka ah maxaase lagu xushaa ayaan weydiiyey  Maryan Cali oo qaadka ku iibisa magaalada Muqdisho.

“Noocyada ugu badan ee qaadka Muqdisho lagu iibiyo waa nooca miirowga laga keeno Kenya mar walbana qiimaha qaadku waa isbedbedelaa mana jiro qiimo go’an uu leeyahay waxaana uu qiimuhu baryahan dambe ee la joojiyey qaadka uu ahaa mid aad u sarreeya” ayey tiri Maryan

Waxaa kale oo ay Maryan ka warrameysaa  dhibaatooyinka ay ku qabto iibinta qaadka iyo haddii ay jeclaan laheyd shaqo kale oo ay ku bedelato iibinta qaadka iyadoo leh

“Haddii aan heli karo shaqo kale ma sii iibiyeen waayo waa shaqo dhibaato badan duruufta oo keliya ayaa nagu kallifeysa”

Ka sokow dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee uu leeyahay qaadka, ma jiraan dhibaatooyin caafimaad ee uu leeyahay ayaan weydiiyey dhaqtar C/llaahi Sahal oo ka howlgala mid  ka mid ah isbitaallada Muqdisho wuxuuna dhaqtarku sheegay in qaadka uu yahay aafo dhinaca caafimaadkana laga qaado cudurro uuna hoosaasiyo kuwo aan markaas muuqan balse gadaal qofka uga soo baxa .

Waxaa jira dad qaadka isticmaali jiray oo muddo markii ay cunayeen iska dhaafay hataanna aan cunin, side ugu suurta gashay, markii ay dhaafeena maxay dareemeen.

Jaamac Maxamed C/kariim wuxuu ka mid yahay dadka hore u cuni jiray qaadka wuxuu ka warramayaa xaaladdiisa haatan markii uu qaadka joojiyey ka dib wuxuuna yiri

“Qaadka waa wax laga reysto waxaan dareemayaa caafimaad, dhaqaale ahaana waa soo kabtay , hadda waan hurdaa xilligii horena waxaan ahaa qof mar walba hurdadiidu qabyo tahay “

Si kastaba ha ahaatee qaadku waxaa uu ka mid yahay maandooriyeyaasha wuxuuna waxyeello u leeyahay jeebka oo wuxuu la dagaalamaa dhaqaalaha isagoo sidoo kalena dhibaato u leh dhaqanka qoyska , akhlaaqda iyo caafimaad waxaana bulshada u wanaagsan in ay la dagaalanto cunistiisa

W/Q: Mohamed Shiil.

Tags: Bulshada waxaa u wanaagsan in ay la dagaalanto cunista Qaadka
Previous Post

Munaasabad lagu sagootinayay Wafuudii Shirkii wadatashiga oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

Wasiir Maareeye: Shirka Dhuusamareeb waxaa ku soo biiraya Guddoonka labada Aqal iyo Xisbiyada Dalka

Next Post
Wasiir Maareeye: Shirka Dhuusamareeb waxaa ku soo biiraya Guddoonka labada Aqal iyo Xisbiyada Dalka

Wasiir Maareeye: Shirka Dhuusamareeb waxaa ku soo biiraya Guddoonka labada Aqal iyo Xisbiyada Dalka

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In