Cunista qaadku waxay leedahay dhibaatooyin dhaqaale,mid ย qoys iyo Caafimaad darro, waxaana lagama maarmaan ah in bulshada ay dagaal u galaan sidii loo joojin lahaa adeegsiga maandooriyahaasi oo ay caadeysteen dad badan.
Xilliga duhurnimada magaalada Muqdisho waxaa si aad ah u kor ugu kaca saxmadda ama ciriiriga waddooyinka waxaana la arkaa gaadiid si xowli ah ku socda, gaadiidkaas oo wadaย qaadkaย oo xilligaas soo dhaca.
Sidoo kalena waxaa kordha sawaxanka, buuqa iyo qeylada goobahaย qaadkaย lagu iibiyo Waxayna dadka qaar ku kaftamaan xilligaas oo kale โWaxaa yimid Madaxweynihii Dalka โ oo ay ula jeedaanย qaadka.
Maxamed Cabdi waxaa uu ka mid yahay dadka ku nool Muqdisho wuxuuna isticmaalaa , magaca aan ugu yeernay ma aha magaciisa rasmiga iyadoo taas loo sameeyey isagoo laf ahaantiisa ka xishoonaya in magac warbixintan loogu xuso in uu qaad cuno.
Maxamed wuxuu qabaa in qaadku uu yahay balwad oo aanu wanaagsaneyn โ Waxaan qabaa in si balwad ah aan ku bartay oo aanay jirin faaโido aan arki karo oo aan ka helayโ
Waa kuwee noocyadaย qaadkaย ee lagu iibiyo Muqdisho, mase jiraan qiime goโan oo la siiyo marduufkaย qaadkaย ah maxaase lagu xushaa ayaan weydiiyey ย Maryan Cali ooย qaadkaย ku iibisa magaalada Muqdisho.
โNoocyada ugu badan ee qaadka Muqdisho lagu iibiyo waa nooca miirowga laga keeno Kenya mar walbana qiimaha qaadku waa isbedbedelaa mana jiro qiimo goโan uu leeyahay waxaana uu qiimuhu baryahan dambe ee la joojiyey qaadka uu ahaa mid aad u sarreeyaโ ayey tiri Maryan
Waxaa kale oo ay Maryan ka warrameysaa ย dhibaatooyinka ay ku qabto iibintaย qaadkaย iyo haddii ay jeclaan laheyd shaqo kale oo ay ku bedelato iibintaย qaadka iyadoo leh
โHaddii aan heli karo shaqo kale ma sii iibiyeen waayo waa shaqo dhibaato badan duruufta oo keliya ayaa nagu kallifeysaโ
Ka sokow dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee uu leeyahayย qaadka, ma jiraan dhibaatooyin caafimaad ee uu leeyahay ayaan weydiiyey dhaqtar C/llaahi Sahal oo ka howlgala midย ka mid ah isbitaallada Muqdisho wuxuuna dhaqtarku sheegay in qaadka uu yahay aafo dhinaca caafimaadkana laga qaado cudurro uuna hoosaasiyo kuwo aan markaas muuqan balse gadaal qofka uga soo baxa .
Waxaa jira dadย qaadkaย isticmaali jiray oo muddo markii ay cunayeen iska dhaafay hataanna aan cunin, side ugu suurta gashay, markii ay dhaafeena maxay dareemeen.
Jaamac Maxamed C/kariim wuxuu ka mid yahay dadka hore u cuni jirayย qaadkaย wuxuu ka warramayaa xaaladdiisa haatan markii uuย qaadkaย joojiyey ka dib wuxuuna yiri
โQaadka waa wax laga reysto waxaan dareemayaa caafimaad, dhaqaale ahaana waa soo kabtay , hadda waan hurdaa xilligii horena waxaan ahaa qof mar walba hurdadiidu qabyo tahay โ
Si kastaba ha ahaatee qaadku waxaa uu ka mid yahay maandooriyeyaasha wuxuuna waxyeello u leeyahay jeebka oo wuxuu la dagaalamaa dhaqaalaha isagoo sidoo kalena dhibaato u leh dhaqanka qoyska , akhlaaqda iyo caafimaad waxaana bulshada u wanaagsan in ay la dagaalanto cunistiisa
W/Q: Mohamed Shiil.











