Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka amba baxay garoonka diyaaradaha ย magaalada Galcayo isagoo kusii jeeda dalka walaalaha aa nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka ganacsiga Punland Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.
Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.






















