Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti ku soo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.
Wasiirkii hore wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose ee Punland Cali Cabdi Awaare oo ka mid wafuuda madaxweynaha oo soo dhaweynta kaddib saxaafadda la haday ayaa sheegay in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo casuumaad ka helay Jamhuuriyadda walaalaha jabuuti oo marwalba ka shaqeysay horu-marinta iyo dib u- dhiska hay’addaha dowladda Soomaaliyeed sida dhaqaalaha ,Amaanka iyo xoojinta iskaashiga labada bulsho ee walaalaha ah.
“Safarkeyna waa mid uu madaxweyne Deni ka helay casuumaad walaalaheyna jamhuuriyadda Jabuuti waana safar shaqo oo ku qotoma iskaashiga dhinaca Ganacsiga iyo xoojinta walaalnimadeyna ayuu ku daray Cali Cabdi Awaare
Safarka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, ayaa wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka .