Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 12, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Related posts

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

October 7, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ay fure u tahay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

โ€œDhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwii xornimada gaarsiiyey dalkeenna, waa kuwii dhidibada u taagay qaran ka tilmaaman qaaradda iyo guud ahaan caalamka. Maanta waa kuwa hormuudka u ah dib u dhiska, difaaca iyo adkeynta dowladnimada.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista.

โ€œWaxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda goโ€™aamiyaan.โ€

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga goโ€™an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh.

Previous Post

Sii Hayaha Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Oo Hambalyo U Diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax Iyo Jamaal Cismaan

Next Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Next Post
Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

๐ƒ๐ซ. ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ: โ€œ๐–๐š๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฒ๐จ ๐ฅ๐ž๐ก, ๐›๐ข๐ฒ๐จ-๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ง๐จ ๐ฐ๐š๐š๐ซ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐š ๐›๐ข๐ฅ๐ข๐œ๐๐ž๐ž๐๐ข๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข-๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐ข๐ขโ€

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo dhageystay warbixinta Mashruuca Nagaad

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur , ayaa maanta shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In