Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Related posts

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ay fure u tahay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwii xornimada gaarsiiyey dalkeenna, waa kuwii dhidibada u taagay qaran ka tilmaaman qaaradda iyo guud ahaan caalamka. Maanta waa kuwa hormuudka u ah dib u dhiska, difaaca iyo adkeynta dowladnimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista.

“Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh.

Previous Post

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Hambalyo U Diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax Iyo Jamaal Cismaan

Next Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Next Post
Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In