Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Dhallinyarada Soomaaliyeed U Diray Farriin Ku Aaddan Maalinta Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ay fure u tahay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwii xornimada gaarsiiyey dalkeenna, waa kuwii dhidibada u taagay qaran ka tilmaaman qaaradda iyo guud ahaan caalamka. Maanta waa kuwa hormuudka u ah dib u dhiska, difaaca iyo adkeynta dowladnimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista.

“Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh.

 

 

Previous Post

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Hambalyo U Diray Ilhan Cumar, Cumar Fatax Iyo Jamaal Cismaan

Next Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Next Post
Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In