Tuesday, September 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 15, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoogga saaraya sidii looga mira-dhallin lahaa Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowladnimadeenna oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, kana turjumeysa himilada shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

September 2, 2025
Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

September 2, 2025

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Previous Post

Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorahooyinka Oo Gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Ay Ka Hirgeliyeen Degmada Kaxda “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare

September 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye, Xoghayaha Guud ee...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

September 2, 2025
0

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog ee Marra ee galbeedka Sudan, kadib markii maalmahaan ay ka da’ayeen...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

September 2, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

September 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In