Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 17, 2020
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo cambaareeyay qaraxii lala beegsaday Wasiir Goodax iyo qarixii Liido.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee ay kooxaha Argagixisada ku laayeen Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho.

‘’Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii dadkii weerarkaasi argagixisinimo ku waxyeelloobay,dadkii argagixisadu ay gumaadeen ee weerarkaas ku shahiiday Ilaahay naxriistii janno haka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo deg-deg ah’’ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay usoo badbaadiyeen dadkii dhismaha Hotelka ku go’doomay ,sidoo kalena ay usoo afjareen dhagar qabayaashii weerarka ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay qarax Miinado lala eegtay kolonyo uu la socday sii hayaha xilka Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Beled-Xaawo iyo Doolow , qaraxaas oo uu wasiirku ka badbaaday balse ay dhaawacyo ka soo gaareen mudanayaal ka tirsan Xildhibaannadda Golaha Shacabka,wuxuuna Guddoomiye Mursal  uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Xildhibaannada qaraxaas ku dhaawacmay.

Ugu dambeyn waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada Qaranka si looga guuleysto islamarkaana loo cirib tiro kooxahan naf lacaariga ah ee doonaya in ay mar walba daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo iska caabiyey weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhiga Goof-gaduud.

Next Post

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Next Post
Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka marxuum Cabdirisaaq Cabdullaah

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In