Monday, July 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Dhuusamareeb

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 18, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

July 20, 2025
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ข๐ซ๐จ-๐๐ก๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐–๐š๐๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ

โ€œMaanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.โ€

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Tags: Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Dhuusamareeb
Previous Post

Dhageyso Barnaamijka faaqidaada wararka ee Radio Muqdisho.

Next Post

Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

Next Post
Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay adkeynta dhaqanka

July 20, 2025
0

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan Dublamaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qaybgalay xaflad aad u...

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ข๐ซ๐จ-๐๐ก๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐–๐š๐๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐Œ๐ข๐ซ๐จ-๐๐ก๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐–๐š๐๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ

July 20, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula...

Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun

Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun

July 20, 2025
0

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan, ayaa Magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb galey shir ay soo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

July 20, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In