Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Galmudug oo bogaadiyay furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Galmudug Mudane  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay muhiimadda furitaanka wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareb3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan halkaasi.

“Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen guddiga farsamada doorashada, iyada oo madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. ‘Sida aad wada ogsoontihiin waxaa illaa hadda nagala soo qayb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkaan. Madaxweynuha Galmudug waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan wali soo gaarin  madasha shirka, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaad ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, oo aad tixgelisaan oo  qadarisaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey  shirka in ay ka soo baxdo natiija wanaagsan, Soomaaliduna ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyey Furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Ee Dhuusamareeb

Next Post

Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb “Sawirro”

Next Post
Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb “Sawirro”

Taliska qaybta guud ee Booliiska Galmudug oo bilaabay dhismaha Saldhiga Magaalada Dhuusomareeb "Sawirro"

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In