Wednesday, October 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo boggaadiyey dhalinyarro la dagaalamay Argagixisada Alshabaab “Sawirro”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
August 20, 2020
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Galmudug oo boggaadiyey dhalinyarro la dagaalamay Argagixisada Alshabaab “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Mudane. Axmed M. Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaayeen taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo kooxaha aragagixisada ah  oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka kooxda argagixisada ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah arxanlaawayaasha Alshabaab.

Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay argagixisada ka nadiifin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana wasiirka iyo saraakiisha ay bogaadiyeen dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah ay wadaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan naftood hurayaasha geesiyada ah, isla markaana ay ciidamada qalabka sida sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

 

 

  

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Shaqada Ka Joojiyay Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada C/casiis

Next Post

Muhaajiriin Ku Dhintay Xeebaha Dalka Libya

Next Post
42 qofood oo ku dhintay Doon ku degtay Badda Mediterranean-ka

Muhaajiriin Ku Dhintay Xeebaha Dalka Libya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka

October 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi matalayay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In