Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Galmudug oo boggaadiyey dhalinyarro la dagaalamay Argagixisada Alshabaab “Sawirro”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Galmudug oo boggaadiyey dhalinyarro la dagaalamay Argagixisada Alshabaab “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Mudane. Axmed M. Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaayeen taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.

Deegaanadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo kooxaha aragagixisada ah  oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka kooxda argagixisada ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah arxanlaawayaasha Alshabaab.

Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay argagixisada ka nadiifin doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana wasiirka iyo saraakiisha ay bogaadiyeen dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah ay wadaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan naftood hurayaasha geesiyada ah, isla markaana ay ciidamada qalabka sida sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

 

 

  

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Shaqada Ka Joojiyay Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada C/casiis

Next Post

Muhaajiriin Ku Dhintay Xeebaha Dalka Libya

Next Post
42 qofood oo ku dhintay Doon ku degtay Badda Mediterranean-ka

Muhaajiriin Ku Dhintay Xeebaha Dalka Libya

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In