Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka AFRICOM ee Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka gaystay agagaarka Kurtunwaarrey ee ku taalla Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.
Duqeynta ayaa lala eegtay mid ka mid (1) ah argagaxisada Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay. Ninkan la dilay ayaa ku caanbaxay diyaarinta qaraxyada isaga oo ku hawlanaa diyaarinta miinooyinka lagu aaso wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida dadweynaha.
Dowladda Soomaaliyeed iyo ciidanka AFRICOM aad ayay uga taxadaraan waxyeello soo gaadha dadka shacabka ah inta lagu gudajiro la dagalaanka kooxda argagaxisada Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedaymaha soo baxa. Duqeyntan imanka dhacday hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku dhaawacantay.
Duqeyntan ayaa qayb ka ah dadaalo wadajira ee ciidanka gaarka ah ee Danab ayaa gacan ka helay ciidamada AFRICOM ee Mareynka si meesha looga saaro gaboodfallada Alshabaabka ee quuta dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, si mustaqbal ifiya loogu helo dadka Soomaaliyeed.
Ciidanka Qaranka ee Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda Dowladda Mareykanka iyo isbahaysiga la jaalka ah ayay ka go’antahay dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada Alshabaab si looga hortago dilalka ay ku hayaan ragga, dumarka iyo carruurta ku nool dalka Soomaaliya iyo dowladaha deriska la ah Soomaaliya. Dadaallada aynu ku ilaalinayno waxyeellada soo gaadha shacabka iyo u turidda aynu sammeyno ayaa uga fog weerarrada ay Alshabaab la eegtaan goobaha shacabka ku badanyihiin si aan kala sooc lahayn.
Somalia. Duqeyntan loo gaystay Alshabaab ayaa caddeyn u ah in Alshabaab meel ay isku qarin karaan jirin. DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareynkan ayaa go’aan adag ku qaatay inay jabiyaan kuwa argagaxiya shacabka Soomaaliyeed. DFS oo garabsanaysa Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadeysa dowladda wanaagga iyo horumarinta dhaqaalaha iyada gaaashaanka loo daruurayo doonitaanka Alshabaab ay ku rabaan in ay isballaariyaan si ay u dhoofiyaan qarbudaada ay caanka ku yihiin.