Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 21, 2020
in Wararka
0
Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19-2020. Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin.

Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025

Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan.

Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses).

Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen:

  1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)
  2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
  3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
  4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
  5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
  6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
  7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
  8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
  9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
  10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
  11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
  12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.

 

  1. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
  2. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
  3. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
  4. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
  5. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.
Tags: Heshiiska Shirka Madaxda Dowlad Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir
Previous Post

Dowladda Soomaaliya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Duqeyn Cirka Ah Oo Lagu Dilay Horjooge Ka tirsan Al-Shabaab “WAR SAXAAFADEED”

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka

Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In