Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sababta ay wali dowladda ay u fasaxin jaadka waxaana uu sheegay in wali ay jirta halista Cudurka covid-19 dowladdanuna ay go’aankaasi qaadatay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

“Jaadku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha sida fudud ufaafin kara cudurka Covid-19 sidaa daraadeed dowladda Soomaaliyeed iyadoo wali la tacaaleysa xakameynta lama fasin jaadka lamana ogola ayuu yiri wasiirka (Oomaar).

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Barnaamijkaan oo su’aalo toos ay la weyniyay wasiirka iyo maareeyahay Hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin waxaana dhamman ay ku qotomeen hormarka laga gaaray dib udhiska hay’adda ,soo celinta diyaaradii Soomaali airline,saameynta xayiraadii karoona Feyriska uu ku eyeeshay dhaqaalaha kasoo gali jiray dowladda garoomada dalka ,iyo rajada laga qabo in doorkeedii ahaa in awood ay uleedahay diwaanglinta ama bixinta leesinka wadayaasha diyaaradaha dib loo soo celiyo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay awood buuxda u leedahay diyaarad aan agolaasho ka heysan inay soo gali Karin hawada dalka.

“Dowladda Soomaaliyeed awood buuxda ayay u leedahay maamulida hawadeeda mana soo gali karto hawada dalka diyaarad aan ogolaasho ka hay’adda duulista rayidka waxaana aan hawada meelo ka mid Soomaaliya aan ka celiyo diyaaraddo sida korobaan ayuu hadalkiisa ku daray maareeyaha hay’adda.

Sidoo kale Maareeyahay Hay’adda duulista oo jawaab ka bixiyay ayaa sheegay  diyaaradihii qaadka sida dhuumaaleysiga usoo galiyay meelo ka mid ah gobolada dalka laga qaaday taabo adag oo ay markale ku soo dhiran Karin in diyaarad sida ay timaado.

“Diyaaradihii sida sharci darada ah jaad uga soo dejiyay garoomada Cisaleey iyo Buuhoodle waxaan ka qaadanay talaabooyin adag dalka ma imaan karaa hada qaarkood sharciyadii ay ku shaqey lahaayeen ayaa lagala laabta markii aan dacweynay ayuu iri maareeye Axmed Macin.

Dhameystirka sharciga hay’adda iyo in dowladda Soomaaliyeed ay awood u yeelato bixinta sharciga diwaan gelinta diyaaraha iyo leesinta paylootyada waxa ay sagleysaa in si fudud loo soo celiyo diyaaradii Soomaaliya Airlane sida uu sharaxyo sii hayaha wasiirka gadiidka iyo duulista hawada dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

“Hada awood ayaan u leenahay in aan diyaaradaha diwaan gelino waana inoo fududahay markaan soo celinta diyaaradii Soomaali Airline maaxaa yeelay sharciyadii waa inoo dhameystiran yihiin sii hayah wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada (Oomaar)

Labo milyan ayaa kasoo gasha hada garoonka Aadn cade dowladda Soomaaliya hase ahaatee waxa ay awood u leedhay in kor loo qaado dhaqaalaha kasoo galayo iyadoo la filayo dhawaan in la gaarsiiyo illaa shan milyan oo lacagta doolar Mareykanka.

Tags: Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka
Previous Post

Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Next Post

Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Next Post
Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In