Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
August 21, 2020
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii hayaha wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi salaad (Oomaar) oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sababta ay wali dowladda ay u fasaxin jaadka waxaana uu sheegay in wali ay jirta halista Cudurka covid-19 dowladdanuna ay go’aankaasi qaadatay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

“Jaadku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha sida fudud ufaafin kara cudurka Covid-19 sidaa daraadeed dowladda Soomaaliyeed iyadoo wali la tacaaleysa xakameynta lama fasin jaadka lamana ogola ayuu yiri wasiirka (Oomaar).

Related posts

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025

Barnaamijkaan oo su’aalo toos ay la weyniyay wasiirka iyo maareeyahay Hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin waxaana dhamman ay ku qotomeen hormarka laga gaaray dib udhiska hay’adda ,soo celinta diyaaradii Soomaali airline,saameynta xayiraadii karoona Feyriska uu ku eyeeshay dhaqaalaha kasoo gali jiray dowladda garoomada dalka ,iyo rajada laga qabo in doorkeedii ahaa in awood ay uleedahay diwaanglinta ama bixinta leesinka wadayaasha diyaaradaha dib loo soo celiyo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay awood buuxda u leedahay diyaarad aan agolaasho ka heysan inay soo gali Karin hawada dalka.

“Dowladda Soomaaliyeed awood buuxda ayay u leedahay maamulida hawadeeda mana soo gali karto hawada dalka diyaarad aan ogolaasho ka hay’adda duulista rayidka waxaana aan hawada meelo ka mid Soomaaliya aan ka celiyo diyaaraddo sida korobaan ayuu hadalkiisa ku daray maareeyaha hay’adda.

Sidoo kale Maareeyahay Hay’adda duulista oo jawaab ka bixiyay ayaa sheegay  diyaaradihii qaadka sida dhuumaaleysiga usoo galiyay meelo ka mid ah gobolada dalka laga qaaday taabo adag oo ay markale ku soo dhiran Karin in diyaarad sida ay timaado.

“Diyaaradihii sida sharci darada ah jaad uga soo dejiyay garoomada Cisaleey iyo Buuhoodle waxaan ka qaadanay talaabooyin adag dalka ma imaan karaa hada qaarkood sharciyadii ay ku shaqey lahaayeen ayaa lagala laabta markii aan dacweynay ayuu iri maareeye Axmed Macin.

Dhameystirka sharciga hay’adda iyo in dowladda Soomaaliyeed ay awood u yeelato bixinta sharciga diwaan gelinta diyaaraha iyo leesinta paylootyada waxa ay sagleysaa in si fudud loo soo celiyo diyaaradii Soomaaliya Airlane sida uu sharaxyo sii hayaha wasiirka gadiidka iyo duulista hawada dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

“Hada awood ayaan u leenahay in aan diyaaradaha diwaan gelino waana inoo fududahay markaan soo celinta diyaaradii Soomaali Airline maaxaa yeelay sharciyadii waa inoo dhameystiran yihiin sii hayah wasiirka gadiidka iyo duulista Hawada (Oomaar)

Labo milyan ayaa kasoo gasha hada garoonka Aadn cade dowladda Soomaaliya hase ahaatee waxa ay awood u leedhay in kor loo qaado dhaqaalaha kasoo galayo iyadoo la filayo dhawaan in la gaarsiiyo illaa shan milyan oo lacagta doolar Mareykanka.

Tags: Dowladda Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sababta Aan Wali Loo Fasixin Jaadka
Previous Post

Heshiiska Shirka Madaxda Dowladda Federalka & Dowlad Goboleedyad Iyo Gobolka Banadir

Next Post

Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Next Post
Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In