Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Oo Saldhig Cusub Ka Sameystay Jowhar “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Oo Saldhig Cusub Ka Sameystay Jowhar “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo inta badan gobolada dalka ay howlgallo lagu sifeeynayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ka wadaan ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayay saldhig cusub ka sameeysteen magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, isla markaana ah caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay saldhigan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada looga xoreynayo argagixisada Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

“Ciidanka Kumaandooska waxeey xarumo kuleeyihiin Juballand, Koonfurgalbeed, Galmudug, haddana Hirshabeele ayay ka sameeysteen dhowaan waxaan dalka oo dhan ay ka xoreeyn doonaan argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, halkaasi oo ay dhibaato ku qabaan shacabka iyo gaadiidka labada dhinac isaga kala gooshta, waxaana uu intaa ku daray inay ciidanka ay cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadanuna ay ka saaraan miinooyin dhulka lagu aasay.

Guud ahaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolada dalka ka ayaa waxa ay wadaan howlgallo lagu cirib tirayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee caadeeystay daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, kuwaasi oo haatan ciidanka ay kasaareen degaanno badan, lana qorsheynayo in laga sifeeyo goobaha fara ku turiska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In