Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug Oo Tababar U Soo Xiray Cutub Ka Tirsan Ciidanka Darawiishta Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay magaalada Sama-reeb ee xarunta Galmudug, waxaana munaasbadda goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirro kale.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda DugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Sama-reeb.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026

Wasiirka Amniga ayaa ka wabixiyey tayada nooca tababarka ay ciidamadaasi qaateen iyo dhabar adaygoodii muddadii ay tababarka ku jireen, asagoo ammaanay macallimiintii  tababarka bixisay iyo saraakiishii hogaaminaysay ciidamada, wuxuuna wasiirku adkeeyey In la abaalmariyo ciidamada lana dallacsiiyo kuwooda ugu wanaagsan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.

Mudane Qoor Qoor ayaa ciidanka faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga.

Tani waxay qeyb ka tahay daddaalada Galmudug ee ku aadan tayeynta iyo dib u qaabeynta ciidamada kala duwan.

Previous Post

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Danab Oo Saldhig Cusub Ka Sameystay Jowhar “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In