Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka isku xirka laamaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu qabtay magaalada Dhusamareeb+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Shirka isku xirka laamaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu qabtay magaalada Dhusamareeb+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan looga hadlayo isku-xirka  laamaha Socdaalka Jinsiyadaha  ayaa lagu qabtay magaalada Dhusamareeb waxaana ka soo qaybgalay agaasimaga guud hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/sare Maxamed Axmed Koofi, gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey, wasiiro, xildhibaano, saraakiil, maamulka magaalada Dhusamareeb iyo bulshada.

Waxaa ugu horayn furitaanka ka.hadlay agaasimaha laanta afaraad ee hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Sugaal Yuusuf.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Xasan C/qaadir Maxamed agaasime ku-xigeenka guud ee ha’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ka warbixiyey waxyaabihii la soo qabtay sadaxdii bilood ee la soo dhaafay sidoo kalana waxa uu faah faahin ka bixiyey arimaha baasaboorka.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada caasimada Galmudug Cabdi Xaashi Caroole ayaa isna ka hadlay shirkan waxa uuna aad u bogaadiyey shirkan oo lagu qabtay caasimada Galmudug ee Dhusamareeb waxa uuna madasha ka sheegay in maamulka caasimadu uu bixinayo dhulkii laanta afaraad xafiisyada ka dhisan lahayd.

Taliyaha qaybta guud ee booliiska Galmudug sareeye guuto Bishaar Abshir Geedi oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in taliska booliiska iyo hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha lee yihiin xariir wada shaqayn.

Ugu dambayn waxaa shirka ka hadlay agaasimaha guud ee hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya G/sare Maxamed Axmed Koofi waxa uuna sheegay in shirkani yahay shir howleed waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo qabtana uu yahay isku-xirka laamaha Socdaalka lana dhagaysto aragtiyada bulshada.

shirkan oo sadaxdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa hada nasiib u heshay in markii ugu horaysay lagu qabto magaalada dhusamareb ee caasimada galmudug maamulka magaalada ayaana arintaas aad u soo dhoweeyey waxa ayna balan qaadeen inay bixinayaan dhulkii laanta afaraad xafiisyada ka dhisan lahayd.

Previous Post

Ilhaan Cumar iyo Xildhibaanno kale oo dacwad ka gudbiyay askar fal xun kula kacay Dad Muslimiin ah

Next Post

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS Oo Balcad Ka Dhagax Dhigay Dugsi Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha+Sawirro

Next Post
Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS Oo Balcad Ka Dhagax Dhigay Dugsi Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha+Sawirro

Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS Oo Balcad Ka Dhagax Dhigay Dugsi Lagu Baranayo Cilmiga Beeraha+Sawirro

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In