Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan ayaa shalay la kulmay Jared Kushner, oo ah lataliyaha Madaxweynaha Mareykanka, kaasi oo bilaabay socdaal uu ku marayo dalalka Khaliijka ka dib markii Imaaraadka iyo Israa’iil ay ku dhawaaqeen in ay yeelanayaan xiriir toos ah ka dib dhex dhexaadintii Mareykanka.
Heshiiskaasi oo sida la sheegay loogu gogol xaarayo sidi waddamada kale ee Carabta looga dhaadhicin lahaa inay xariir la yeshaan Israa’iil.
Wakaaladda wararka ee Sacudiga ayaa baahisay in Maxamed bin Salmaan iyo Kushner “ay ka wada hadleen rajada laga qabo geedi socodka nabadda ee gobolka iyo baahida loo qabo in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dhinacyada Falastiin iyo Israa’iil, si loo helo nabad waarta.”
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga labada dal iyo xoojinta xariirka ka dhaxeeya Sacuudiga & Mareykanka. Faahfaahin intaa kabadan laga ma bixin kulanka dhexmaray bin Salmaan iyo Kushner .
Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal bin Farxaan ayaa horay u sheegay 18-ka bishii tagtay ee August in dalkiisi aanu raaci doonin tusaalihii Imaaraatka illaa inta laga xallinaayo khilaafka Falastiin iyo Israa’iil, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay xukuumadda Riyad uga go’an tahay hindisaha nabadeedkii la soo jeediyay sanadkii 2002, kuna salaysnaa Mabda’a Nabadda Carabta.
Kahor imaatinkiisa Sacuudi Carabiya, Kushner wuxuu Manaama kula kulmay Boqorka Baxrayn Sheekh Xamad bin Ciisa, inta kulankoodu socday wuxuu boqorka uga mahadceliyey maamulka Mareykanka tallaabada ay qaadeen dadaallada joogta ah oo lagu doonayo in nabad iyo xasillooni looga dhaliyo Bariga Dhexe.
Sheekh Hamad wuxuu kaloo amaanay mowqifka Imaaraatka iyo dadaaladeeda ku aadan sidii loo gaari lahaa waxa uu ku tilmaamay xal damaanad qaadaya in shacabka Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah ayna ku guuleystaan nabad ka dhalata gobolka sida uu hadalka u dhigay Boqorka Baxrayn wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay in xasiloonida khaliijka iyo isku duubnida gobolkaba ay kuxirantahay hogaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Kushner ayaa la sheegayaa in uu garwadeen ka ahaa is fahanka Israa’iil iyo Imaraadka, waxaana sida la xaqiijiyay uu la socday wafdiga Israa’iil ee Isniintii ka dagay Abu Dubai , Safarkaasi oo lagu tilmaamay duulimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi oo ay yeshaan Israa’iil & Imaaraatka Carabta.