Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beeraleyda Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda+SAWIRRO

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Beeraleyda Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beeraleyda degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa cabasho ka muujinaya dhac iy burburin loo geesto dalagyada beerahooda marna laga qaato qalabka beeraha ay ku waraabinyaan taasi oo caqabad ku noqotay wax soo saarka beerahood.

Macallin Ibraahim Aadan waxa uu ka mid yahay beeraleyda soo saarta qaybaha kala duwan ee qudaarta waxa uuna u iib geyn jiray suuqyada magaalada Xuddur,waxaa beertiisa usoo dhacay tuugo sida uu u sheegay Radio Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Macallin Ibraahin ayaa waraabinta beertiisa u isticmaali jiray ceel-biyood uu saaray matoor si uu ugu waraabiyo beer ay ka baxdo qudaarta oo uu lahaa, balse wuxuu sheegay in laga dhacay matoorki uu u isticmaali jiray waraabka.

Beeraleyda Xuddur ayaa sheegay in ay kordhiyeen wax soo saarka beeraha, hase ahaatee waxey tilmaameen in ay meesha ka maqantahay kaalinta wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur galbeed iyo hay’adaha kale ee ay quseyso.

Beeraha degmada Xuddur ayaa waxaa ku tiirsan bulsho farabadan noloshooda, balse waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga yimid tuugo caadeysatay dhaca beerahooda, waxeyna maamulka degmada iyo kan gobolka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan arrintaan.

 

 

 

Previous Post

Kushner oo safar tageero raadis ah ku marayo wadamada Khaliijka.

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In