Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fatahaada webiga Shabeelle uu ka geystay degmada Mahadaay oo saameyn kala duwan yeelatay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Fatahaada webiga Shabeelle uu ka geystay degmada Mahadaay oo saameyn kala duwan yeelatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa wajaheysa xaalad bani’aadanimo kaddib markii fatahaada webiga shabeelle ay goysay saddex jiho oo laga soo geli jiray degmada iyo gabi ahaan beerihii ku yiilay duleedka degmada Mahadaay oo dalagyo kala duwan ay ku beernaayeen xilligaas.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay Saalax Fuleel Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada gabi ahaanba ay ka go’day jidadka soo gala degmada oo ka yimaada tuulooyinka hoostaga iyo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle,isagoo carrabka ku adkeeyay in sannadkaan aysan wax dalag ah kasoo go’in beeraha degmada.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn oo beero ah ay goysay fatahaada webiga Shabeelle, wuxuuna hay’adaha ku shaqada leh ugu baaqay in gurmad lasoo gaarsiiyo dadka ay saameysay fatahaadaas.

Saalax Fuleel Xaaji guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ayaa tilmaamay in dadka ka yimaada meelaha ka baxsan degmada ay biyaha lug ku soo jiiraan maadaama aysan gawaaridu sahal ku geli Karin degmada, inkastoo haatan uu sheegay in ay sii yaraanayaan biyahaan ka dhashay fatahaada webiga.

Maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha gargaarka ayaan wax gurmad ah la gaarin degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe oo wajaheysa xaalado kala duwan, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In