Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.
Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.
Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto,iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.
Sharciga batroolka dalka oo taaba gal noqday billowgii sanadkaan ayaa wasaaradda batroolka iyo macdanta fursad u siiyey inay qaado tallaabooyin muhiim ah oo ku aaddan in la xoojiyo sahanka shidaalka badda ku jira.