Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhoweysay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka ee ay maanta shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, waxayna hambalyada farxada la wadaageen dhammaan ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka gaar ahaan ardayda ka soo jeeda deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa marka hore uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xilka weyn ay iska saartay shaqada ay qabatay, ee u soo jeeday Habeenada badan, isagoona marka labaad u hambalyeeyay ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaamka sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

“Aad iyo Aad baan ugu faraxsanahay,waxaan horta u mahad celinayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka xilka weyn ayay iska saartay shaqada ay qabata ee u soo jeeday Habeenada badan, marka labaad waxaa u mahad celinayaa ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaanka gashay sanad Dugsiyeedka 2019/20,” ayuu yiri Agaasime Axmed Faarax Cali Aweys.

Sidoo kale, Agaasimaha oo sii hadlaya wuxuu yiri“ Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay haddaan nahay reer Jubbaland guusha weyn ee aynu ka gaarnay imtixaamka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday anaguna aan ku kaalmeyneynay oo aan u fududeyneynay, aad baan ugu faraxsanahay waana soo dhoweyneynaa,”

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys wuxuu dhiiragelin ku aadan iney sii laba jibaaraan dadaalkooda u jeediyay ardaydii sanadkan u suurageli weysay iney ka gudbaan imtixaamka ama baasaan.

Tags: Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro
Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo bur buriyay gaadiid Al-Shabaab ka soo buuxiyeen walxaha Qarxa

Next Post

Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Next Post
Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In